Maxaad Kala Socotaa Qisada Amiiradii Reer Japan ee Xilkeeda uga Tanaasushay Jacayl Dartii?

Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Amiirada ugu weyn caruurtii uu awoowga u yahay Imbiraadoorka Dalka  Japan Akihito ayaa go’aansatay inay ka tanaasusho awoodeedii Amiirnimo si ay fursad sharci u siiso jacaylkeeda kala dhexeeya Inankii ay isku jaamacada ahaayeen ee ka dhashay Qoyska saboolka ah.

Amiiradu waxay ku talo jirtaa inay ka mid noqoto dadka caamka ah hadii uu qabsoomo guurka ay ku ballansan yihiin inankaasi.

Wax yar ka dib markii ay soo baxday in amiirada la soo doonayo oo ay gadh-castu is hor fadhiisan doonto ayaa Ki Kumoro 25 jir ah oo ah inanka ay dartii amiiradu isaga xayuubinayso awoodeedii waxay  saxaafadu muuqaalo kaga soo qaaday isagoo hortaagan xafiis qareen oo uu ka hawlgalo oo ku yaalla caasimada Tokyo.