London 14. June 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha arrimaha dibada ee Ingiriiska Boris Johnson ayaa ugu baaqay dalalka Sacuudiga, Baxrayn, Imaaraadka iyo Masar inay khafiifiyaan cunaqabataynta ay saareen dalka Qadar, oo la raadiyo xal deg-deg ah. Boris Johnson ayaa intaasi ku daray inuu wiiga dambe u duuli doona dalalka Sacuudiga, Kuweyt iyo Imaaraadka oo kala xaajoon doono xiisada gacanka ee cirka isku sii shareeraysa.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Qadar ayaa warbaahinta u sheegay inay Maraykanka iyo Kuweyt ay xidhiidh ka leeyihiin sidii loo dejin lahaa xaalada gacanka.
Wasiirka arrimaha dibada Qadar oo ka hadlayey kulan uu lahaa madaxda Ingiriiska magaalada London ayuu ku sheegay inay mihiimadooda koowaad tahay sidii loo soo afjari lahaa go’doominta aan sharciga ku dhisnayn ee ka dhanka ah dalkayga.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in Qadar fikiradeedu tahay wadahadal in wax kasta lagu dhameeyo, wadahadal kastaana uu yeesho sal adag.
Dalal ka tirsan gacanka ayaa hore xidhiidhkii dublamaasiyadeed ugu jaray dawlada Qadar, iyaga oo ku eedeeyey inay taageerto aragagixsada, balse dawlada Qadar ayaa ku gacansaydhay eedaymahaasi.
