Riyadh 14. June 2017 (SDN/QJ):- Raysal-wasaaraha dalka Pakistan Nawaz Sharif ayaa kuu waajahan dalka Sacuudi Arabiya, isaga oo kala hadli doona xiisada cirka isku sii shareeraysa ee u dhexaysa Qadar iyo dalal ka mid ah kuwa gacanka oo uu Sacuudigu horboodayo.
Raysal wasaaraha ayaa kulano heer sare ah la yeelan doona boqorka Sacuudiga magaalada Riyaad, Pakistan waxa ay ku soo biirtay dalalka u tafaxaytay inay nabad ku soo dabaalaan xiisada ka taagan gacanka carabta.
Safarka Raysal wasaaraha dalka Pakistan waxa ku wehelinaaya taliyaha ciidanka Baagistaan, wasiirka Maaliyada iyo dhawr sarkaal oo la-taliyeyaal ka ah wasaaradda arrimaha dibada.
Boqorka Sacuudiga iyo raysal wasaaraha Pakistan ayaa kulan casho ah ku yeelan doona xarunta Boqorka, ka hor inta aanay si rasmi ah u bilaabmin wadaxaajoodku.
Kulanka labada masuul ayaa yimid ka dib markii uu boqorka Kuweyta ku hawlanaa dhexdhexaadinta xiisada ka aloosan gacanka.
Dawlada Pakistan ayaa meel dhexe iska taagtay khilaafka ka taagan gacanka carabta, waxa jiray warar aan la hubin oo sheegayey inay Baagistaan Qadar u soo dirayso ciidamo, balse arrintaasi waxa genefka ku dhuftay wasiirka arrimaha dibada Pakistan, isaga oo ku tilmaamay wararkaasi kuwa ah been la buunbuuniyey oo aanay waxba ka jirin. Sannadkii hore ayey dawlada Pakistan heshiis la saxeexatay dalka Qadar, kaasi oo dhigayey inay Pakistan ka soo iibsato gaasta cad.
