Tripoli 19. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Dalka Liibiya ayaa ku dhawaaqay in ay soo badbaadiyeen 900 oo ruux oo qaxooti afrikaan ah oo ku gooshayey xeebaha Magaalada Masaraatah ee Dalkaasi liibiya.
Ayuub Qaazim oo ah afhayeen u hdlay ciidamada ilaalada xeebaha eeliibiya ayaa sheegay in dadkan tahriibayaasha ahi ay isugu jiraan Afrikaan, Eeshiyaan iyo carab ayna ka mid yihiin illaa sideetameeyo haween ah iyo 25 caruur ah, iyagoo saaran doon kuwa looxa laga sameeyo ah oo xiligii la badbaadiyey ku dhoweyd inay degto.
Dalka Liibiya ayaa mudo sanado ah ku jiray xaalad deganaansho la’aan iyo xasiloonidarro ah, waxana ay marin u noqotay tahriibayaasha dunida sadexaad oo ku hayaamaya dhanka Qaaradda Yurub si ay u raadsadaan nolol cusub.

