Istanbul 19. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxii amniga ee Magaalada Istanbul ee dalka turkiga Xuseen Tusaabiqi ayaa isu soo dhiibay Xukuumada Dalka Turkiga isagoo lagu eedaynayey inuu lug ku lahaa afgembigii badhtamihii sanadkii hore la isku deyey ee dalkaasi Turkiga.
Wakaalada Wararka ee Anadol oo soo xiganaysay sarkaal ammaanka u qaabilsan caasimada Turkiga ayaa sheegay in Mr Xuseen oo ay weheliyaan qareenadisu uu si rasmi ah isugu soo dhiibay rug boolis oo ku taalla Magaalada Stanbul.
Maxkamada Dembiyada ee Dalkaasi Turkiga ayaa hore Magaca ninkaasi ugu dartay dadka ay cadaalada Turkigu raadinayso ee lagu tuhmayey inay ku lug lahaayeen inqilaabkii wadankaasi la isku deyay ee fashilmay.

