Gudoomiyaha Deegaanka Balanbaal Ee Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Gudoomiyihi Xisbiga Waddani Ee Degankaasi Oo La Dhaawacay DAAWO

Burco 18. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Deegaanka Balanbaal oo ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa Sheegay in Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha ahna Murashaxa jagada madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ay tacadiyo ka gaysteen deegaankaas kadib booqasho uu ku tegay jiida deegaankaasi isla markaana Ciidamadda la socday Gudoomiye Muuse Biixi ay dhaawaceen Gudoomiyihii Xisbiga Waddani ee Deegaankaas.