Dawladda Masar oo Ku Soo Rogtay Dadka u dhashay Qatar inay Qaataan Fiise dal ku Gal ah Hadii ay Masar Tegayaan

Qaahira 18. July 2017 (SDN/QJ):- Dawlada masar ayaa ku soo rogtay fiisayaasha dal ku galka dadweynaha u dhashay wadanka Qatar ee Doonaya inay Dalka Masar yimaadaan.

Afhayeen u hadlay Hay’ada Socdaalka ee Masar oo u waramay Wakaalada wararka ee Anadol waxa uu sheegay in laga bilaabo maalinta khamiista ee soo socota ay dadweynaha reer Qatar fiisayaal ku soo geli doonaan wadanka Masar.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in fiisayaasha lagu soo rogay dadka sita baasaboorka Dalka Qatar aanay ku koobnaan doonin oo keliya dadweynaha caadiga ah, laakiin sidoo kale ay fiisaha u baahnaan doonaan shaqsiyaadka diblumaasiyiinta ah, kuwa hawlgalada gaarka ah u socda iyo kuwa sita baasaboorada gaarka ah.

Sida la ogyahay dadweynaha u dhashay Dalka Qatar ayaa fiisa la’aan ku tegi jiray wadanka Masar ka hor intii aanay bishii June qarxin dhibaatada Diblumaasiyadeed e khaliijka ka taagan oo ay Masar-na qayb ka tahay.