Muqdisho 18. July 2017 (SDN/QJ):- Abdirahman Ducaale Beyle Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa ka Hadley sababtii Somaliland looga reebey miisaaniyad sanadeedka Dowladda ee baarlamanka la hor geeyey.
Wasiir Bayle oo saxaafada la hadlayey ayaa waxaa uu sheegey in Somaliland ay miisanyad sanadeedkan uga saareen, maadama ay wadda hadalo iyaga iyo dowladda dhaxe u socdeaan, isagoona intaas ku daray in marka wada hadaladaas la isku afgarto lagu soo dari doono miisaaniyada Dawladda.
“ Somaliland si toos ah markaan u iftiimiyo waxaa ay wadda hadalo ugula jirtaa dowladda dhaxe, hadii wada hadaladaas la isku afgarto, waa qasab waa lagu soo darayaa, laakin hadda miisaniyadan waxaa keliya ku jira maamulada sida tooska ah dowladda federalka u hoos yimaada”ayuu yiri Wasiir Bayle.
“ Somaliland marka ugu horeyso waxaa ay dooneysaa heshiis siyaasadeed, marka midaa la dhameeyo ayeey wax walba dhamaan karaan” ayuu sii daba dhigey Wasiirku.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay baarlamanka federaalka ah shalay u gudbisey miisaaniyad sanadeedka dalka, iyadoo la filayo in ay baarlamanka cod u qaadaan.

