Xildhibaanno Sheegay Ceebo hadheeyey Miisaaniyadda Dawlada Federaalka oo Baarlamaanka loo Gudbiyey DAAWO

Muqdisho 18. July 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa Oddoros-miisaaniyeedka Dawladda ee 2017 u gudbisay Golaha Baarlamaanka Federaalka, waxaana oddoros-miisaaniyadeedkaas Xildhibaannada qaar shaaciyeen inay tahay Miisaaniyad dhinac ka raran oo loogu kala eexday Maamul-goboleedyada dalka ka jira oo Qaarna Lacag badan loogu daray, qaarna waxaan u qalmin loogu daray.

Maamul-goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland, Koonfur-galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, ayaa qoondo lacageed ugu jirtaa Miisaaniyadda, taas oo Puntland ay ugu qorantay Shaxda Miisaaniyadda Afar Milyan oo Doollar iyo dheeraad, Halka Jubbaland ay ugu jirto laba Milyan iyo dheeraad, sidoo kale, Galmudug iyo Koonfur-galbeed ayey ugu jirtaa midkiiba Hal Milyan iyo Afar Boqol oo kun oo Doollar, halka Hirshabeelle loogu daray Toddoba Boqol oo Kun iyo Banaadir oo Toddoba Milyan oo Doollar, waxaanay Xildhibaannada Warbaahinta qaarkeed kala hadlay sheegeen wax Caqligooda cayn ku ah, kana muuqato cadaalad-darro, qiimayn xumo, qabyaalad iyo Eex gaar ah, sida ay hadalka u dhigeen.

 

Waxay sidoo kale Xog ay heleen Warbaahinta qaar, Xildhibaannano caddeeyeen ku jirta Lacag dhawr Milyan oo Doollar ah oo laga qaadayo Ganacsatada Soomaaliya, isla markaana la siinayo Ganacsato gaar ah, taas oo ay Xildhibaan Ibbi ku tilmaamay xaaraan aanay xalaalayn doonin oo uu ka codsayn doono, kana soo horjeedo in Miisaaniyad noocaas ah Baarlamaanka la soo hordhigo, iyada oo Ciidammada la dhisayo ee Federaalka iyo kuwa Maanta Madaxda Difaacaya Lacago loo raadinayo, in Miisaaniyadda cid gaar ah loogu sad-buriyo.

 

Haddaba, Warbixinta Warkan Miisaaniyad-sannadeedka 2017-ka ee Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle u gudbiyey Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, oo la filayo inay Mudanayaashu saddexda cisho ee soo socda ka doodi doonaan, waxaannu idiinknu soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

https://www.youtube.com/watch?v=W-Xt9SCe5oc