|

Khasaaraha dhimasho ee weerarkii Barcelona oo kordhay & wararkii ugu dambeeyey

Barcelona 17. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkii caawa ka dhacay magaalada Barcelona iyadoo faahfaahino kala duwan ay soo baxayaan.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii Nin uu gaari jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa xaafadda Las Ramblas ee caanka ku ah dalxiiska ee magaalada Barcelona.

 

Dowladda gobolka Catatan ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof halkaasi ay ku dhinteen halka 50 kalana ay ku dhaawacmeen.

 

Booliska Spain ayaa weerrarkaasi ula tacaalaya sida weerar argagixiso oo kale, waxaana socda howlgalo xoogan, iyadoo wadooyinka gala goobta uu weerarkan ka dhacay la xiray.

 

Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaariga dadka jiiray.

 

Qof laga shakiyay ayaa la xiray, walow aanay caddeyn in uu gudaha ugu jiray gaariga iyadoo sidoo kale booliska uu magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay kaasoo asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika,.

 

Booliska ayaa goor sii horreysay sheegay inay baarayaan gaari labaad oo lala xiriiriyay weerrarkan iyadoo wararka ku saabsan weerarkan ay weli iska soo daba dhacayaan.

Comments are closed