|

Xogo Dheeraad ah oo Ku Saabsan Koox Hubaysan oo Caawa Magaaladda Laascaanood Ku Dilay Laba askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka & Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay

Laascaanood 17. August 2017 (SDN/QJ):- Koox ku hubaysan hubka fudud ee sida daran dooriga u dhaca oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa lagu soo waramayaa inay Caawa Fiidkii weerareen goob ka mid ah kuwa kaadh-ka codaynta laga qaadanayo  ee gobolka sool .

Wararku waxay intaas ay ku darayaan in labadii askari ee ilaalinayay goobtaasi ay geeriyoodeen, ka dib markii ay dablaydaasi rasaas ku fureen .

“Askarta la toogtay labadoodaba waxa laga toogtay madaxa waana ay dhinteen” sidaas waxa yidhi wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Prof Yaasiin X. Maxamud Xiir Faratoon.

Ciidanka Police-ka iyo Maamulka Gobolka Sool oo is kaashanayaa ayaa ku daba jira soo qabashada dablayda falkaas dilka ah ka gaystay Gobolka .

Magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoos taga Gobolka Sool ayaa si habasami ah uga socoota kaadh-qaadashada kaadhadhka codaynta Somaliland .

Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land ayaa dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Waxay Ciidamadiisu dhoola tus ka samaynayeen Jidka laamiga ah ee ka yimaada Magaaladda Garowe iyagoo soo dirayay fariin ku wajahan sida ay uga soo hor jeedaan hawlgalka qaadashada kaadhka codbixiyaha ee Ka Socda Gobolada Sool iyo Sanaag.

Comments are closed