Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Aqoon yahan Cabdi kariin Axmed Mooge isla markaana ah shakhsi ka shaqeeya arrimaha dhallinyaradda iyo suulinta hab dhaqanka xun ee qabyaaladda ayaa ka noqday Mawqif uu markii hore qaatay oo ku saabsan inuu ku biiri doono Xisbiyada siyaasadda Somaliland.
Cabdi kariin Axmed Mooge waxaa kale oo uu ka hadlay Khilaafka ka taagan Golaha Wakiiladda iyo Sida uu u arko inuu xal ku jiro.
