Thailand 02. October 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda arimaha dibadda dalka Thailand ayaa sheegtay inay sii wadayso la socoshada xaaladda Gobolka Raakhiin isla markaasina ay Gargaar gaadhsiinayaan Dalalka Miyanmaar iyo Bangaladheesh.
Bayaan ay soo saartay wasaaradda khaarajiga Thailand oo laga baahiyay Janalka Euro News ayaa lagu sheegey In Dalka Tayland ahmiyad weyn siinayo daryeelka Caafimaad iyo ilaalinta Barakacayaasha Rohinga ee ka qaxay Gobolka Raakhiin ee ku sugan xuduudka ay la wadaagaan Miyanmaar.
Tallaabadan ayay Thailand kaga Jawaabaysay eedeymo ay u soo jeediyeen ururada xuquul insaanka ka shaqeeya qaarkood, kuwaasi oo ku eedeeyey inay Tayland Culays saartey Muslimiinta la bara kiciyey ee Rohingya.
Sida la ogyahay in ka badan ilaa shan Boqol oo Kun oo ah Muslimiinta Rohinga ayaa laga barakiciyey Gobolka Raakhiin ee dalka Miyanmaar, kuwaasi oo intooda badani ay u qaxeen dalka Bangaaladheesh.

