Qorshaha Difaaca Qaranka & Qiimaynta musharixiinta Madaxwayne ee Kulmiye & Waddani

Hargaysa 02. October 2017 (SDN/QJ):- Difaaca Qaranku wuxuu ka mid yahay , meelaha ugu xaasaasisan ee lagga qiimeeyo musharixiinta u tartamaysa jagada Madaxwaynaha ee wadamada aduunka , iyadoo wadan waliba qiimaynayo ku haboonaanta hogaamiyaha wadanka ee hawsha culus ee difaaca qaranka .

Haddaba hadii Difaaca Qaranku yahay hawl xasaasi ah oo hortaala hogaamiye walba , islamarkaana laggu qiimaynayo musharixiinta u tartamaysa hogaaminta wadanka , waxaa is waydiinle , Difaaca Qaranku muxuu yahay ? mase leeyahay qaacido loo raaco oo la isla yaqaano .

Si kooban hadii aynu suaashan isu dultaagno , Tan iyo intii ka danbaysay Dagaal waynihii 2aad ee Aduunka , Dunida Casriga ah ee aynu ku noolahay , Difaaca qaranka waxaa laggu qeexaa , Ilaalinta danaha ama maslaxadaha wadanka uu wadan waliba ilaashado , haday noqon lahayd , Dhulkiisa , dhaqaalihiisa iyo siyaasadihiisa , taasoo ku xidhan itaalka wadan leeyahay .

Awooda wadamadu leeyihiina , waata sababta horseeda in wadamada qaarkooda dhulkooda difaaci kari waayaan oo badh lagga qabsado , wadamada qaarna shimbir kasta oo meel duulasya ay la socdaan.

Halbeega Difaaca Qaranka .

Difaaca Qaranka waxa laggu saleeyaa Qaacido la yidhaahdo DIME , Taasoo u taagan ( Dimplomcy , In-formation , Military and Economy) taasoo siday u kala horayso u kala leh mudnaanta .

1- Qodobka ugu horeeya oo ah , Diblomaasiyada ayaa ah laf-dhabarta difaaca Qaranka , sababtoo ah , Aduunyadu imika waa tuule isu wada dhaw , Wadan walbana Nabadgelyadiisa Qaran waxay ku xidhan tahay Xidhiidhka uu la leeyahay Aduunka , tusaale Israel iyo Taiwan , Amnigooda Qaranku wuxuu ku tiirsan yahay xidhiidhka Maraykanka , halka Pakistan iyo Hindiyana ku tiirsanyihiin Quwadaha Shiinaha iyo Ruushka , Aduunka oo dhamina sidaas ayuu isugu wada xidhan yahay .

2- Warku waa qayb ka mida aasaaska amniga qaranka , helista xogta , Gudbinta Xogta iyo ka faaidaysiga xogta ayaa leh ahmiyada labaad ee difaaca Qaranka .

3- Milaterigu waa cudada xaqiijisa Difaaca Qaranka , heerka aqooneed ee Ciidanka , Qalabkiisa iyo dhismihiisuna waxay si dadban iyo sitoosaba ugu xidhan yihiin xidhiidhada wadamada yaryari la leeyihiin wadamada waawayn , sababtoo ah , wadamo yar ayaa leh awooda samaynta cilmiga iyo qalabka ciidamada , halka wadamada badankoodu isticmaalaan wax soo saarkooda Agab iyo aqooneed .

4- Dhaqaale , Dhaqaaluhu waa mishiinka wareejiya hawlaha Qaranka , waana saliida ay ku socdaan shaqooyinka oo dhami , sidaas darteed difaaca qaranka , kaalin wayn ayuu ku leeyahay dhaqaaluhu .

Taliyaha Guud ee Ciidamada Markaynka, Joint Staff, Chairman of the Joint Chiefs General Peter Pace oo sharaxaya Qaaciidadan iyo ahmiyada ay mid waliba u taagan tahayna wuxuu yidhi :-

‘’– Joint Staff, Chairman of the Joint Chiefs General Peter Pace

DIME (diplomacy, information, military and economics) is a recent military term reinvigorated to remind the leadership and policy makers above them to consider national power as not limited to the military power alone. It was because of the political over-use of “M” that led to the push for a “whole-of-government” (WoG) approach within the national security apparatus; and particularly, the DoD. DIME(FIL) was added to include statecraft resources of financial, intelligence and law enforcement dynamics to be applied to the operational environments.’’

Hadalkaas oo nuxurkiisu yahay (DIME (diblomaasiyadda, warfaafinta, militariga iyo dhaqaalaha) waa erey milatari oo dhowaan lagu soo celiyay si loo xusuusiyo hoggaanka iyo siyaasad-dejiyeyaasha iyaga ka sarreeya si ay u tixgeliyaan awooda qaranka iyada oo aan ku koobnayn awoodda militariga kali ah. Waxay ahayd sababtoo ah isticmaalka siyaasadeed ee isticmaalka “Milateriga ” taas oo keentay in ay riixdo habka “dawlad-goboleed” (WoG) oo ku dhex jira qalabka amniga qaranka; iyo gaar ahaan, ayaa loogu daray in ay ku jiraan khayraadka dabiiciga ah ee dhaqaalaha, sirdoonka iyo dhaqdhaqaaqa fulinta sharciga si loogu isticmaalo bay’ad dhaqdhaqaaqa.

Faalada Musharixiinta .

1- Musharaxa Xisbiga Wadani ( C/raxmaan Cirro) , wuxuu ku takhasusay Cilmiga maamulka iyo maaraynta ,isagoo shahaadooyinka koowaad iyo labaad ku qaatay Maamulka iyo Maaraynta , Maamulka iyo Maamulka iyo Qorshaynta .

Dhinaca kale , wuxuu kasoo shaqeeyay Adeega Diblomaasiyadeed oo uu kusoo dhex jiray muddo , kana gaadhey darajada Xoghayaha Koowaad ee Safaarada .

Adeegaa iyo xirfada Diblomaasiyadeed ee uu ku hawl-galay iyo takhasuska cilmi ee uu bartayna , waxay ka buuxinayaan Qiimaynta Hal-beega Caalamiga ah ee Difaaca Qaranka , loona yaqaan DIME Xubnaha Diblomaasiyada , Xogta iyo Dhaqaalaha . taasoo u dhiganta in Aqoontiisa iyo khibradiisu u dhiganto 75% qiimaynta Halbeegan .

2- Musharaxa Xisbiga Kulmiye ( Muuse Biixi) , Wuxuu ku takhasusay Hagista Diyaaradaha Dagaalka , waxaanu kasoo shaqeeyay Ciidankii Xooga Dalka soomaaliyeed .

Hassa yeeshee ma helin fursad ah diyaarinta Aqoonta sarre ee Ciidamada ee laggu qaato Kuliyadaha sarre ee Culuunta Milateriga ee loo yaqaaano ( Staff colleague ) taasoo laggu diyaariyo Hogaaminta sarre ee ciidamada ( Military strategy and leadership) .

Khibradiisa shaqo iyo Takhasuskiisa aqooneedna , waxay ka buuxinayaan Qaaciidan Caalimaga ah ee Hal-beega difaaca Qaranka ee loo yaqaano DIME , Xubinta Milateriga oo keliya taasoo , qiimayntiisuna waxay u dhigantaa 25 % .

Dhinaca kale , hadii la is barbar dhigo ,Aqoonta labada Musharax ee Labada xisbi , waxaa tusaale kuugu filan , Hogaamiyeyaashii wadamada , Iran iyo Iraq , oo muddo 8 sanadooda loolan adagi ka dhex ogaano , culaysyo waawayn oo dabadeedna say soo foodsaareen .

1- Ciraaq waxaa hogaanka u hayay , Talis Milateri , oo hogaamintiisu ku tiirsantahay Xubinta M ee qaacidadan aynu soo sheegnay , taasoo keentay in wadankii ciraaq ku dhacay dabinadii siyaasadeed ee loo daadayay , hagardaamadii kasoo gaadhayna uuweli la ciirciirayo .

2- Wadanka Iran , waxaa hogaanka u qabtay maamul rayida ,oo ay caynaanka u hayaan Madax rayida , kuwaasoo si xeel-dheer uga gudbay dabinadii loo dhigay , islamarkaana aan ku dhicin xadhkahii suryeysanaa ee lala daba socday , ilaa imikana u muuqda Qaran ka gudbay Duruufo adag oo uu soo maray , kuna guulaystay Difaaciisa qaran iyo daneed .

 

Waxaa Qoray Ahmed Nour Guruje