Hargaysa 02. October 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Markii Kowaad waxa uu ka Hadlay Wareegtadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo kaga Reebay in Shaqaalaha dawladu u Ololeeyaan Xisbi Isla markaana uu ku xalaaleeyay in Warbaahinta Dawladu maamusho ay Wakhti isku mid ah Siiyaan Sadexda Xisbi qaran.
”Wareegtadii Madaxweynuhu kaga reebay Shaqaalaha Dawladda inay olole galaan, war-baahinta Dawladdana Tv-ga iyo Radio Hargaysa oo DAWAN weheliyo wakhti isku mid ah Xisbiga Qaranku ka helaan, waxay macno yeelanaysa marka loo filiyo sidii uu Madaxweynuhu amray…. Xisbi ahaan waanu soo dhawaynaynaa.
