Hargaysa 03. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku suntan inuu ahaa Hogaamiyihii afar doorasho dalka ka qabtay isla markaana aanay Wax dhiig ahi ku daadan.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Fariintan Waxa uu Shacabka Somaliland u Jeediyey ka hor Ololihii Doorashadii Madaxtooyadda ee qabsoontay 26-kii Bishii June 2010-kii,Waxaanu Dardaarankani u Muuqdaa Mid waaqaca Maanta ka Turjumaya Maadaama oo ay fooda inagu soo hayso doorashadii Madaxtooyadda oo ku astaysan 13-ka Bisha November ee Sannadkan.

