|

Ciidamada Booliiska Magaalada Boorama oo ku hawlan soo qabashada Fanaanka Nimcaan Hilaac & Funaanado Calanka Somalia laga Dheegay oo uu Shalay ka qaybiyey Boorama DAAWO

Boorama 16. December 2017 (SDN/QJ):-Hawlgal ciidamadu kusoo qabanayaan Fanaanka Hilaac ayay ku guuldaraystay innay gacanta kusoo dhigaan, kadib kolkii Shacabka magaalada Boorama ku dhaqani Booliiska kala hortageen Mudaharaad; halkaasi oo Ciidamaduna dadkaasi fanaanka difaacaya ay rasaas ku kala dareeriyeen.

Dhanka kale waxaa Ciidamadu bedelka Nimcaan Hilaac Xabsiga ugu taxaabeen Aabaha dhalay fanaanka oo isaga laftiisu ah Askari katirsan Ciidamada Booliiska magaalada Boorama.

Sarkaal katirsan booliiska oo aan la xidhiidhay wuxuu xadhiga Aabaha Nimcaan dhalay ku sababeeyey in maadama Odayga dhalay yahay Askari booliiska katirsan loo diray inuu xalay soo xidho nimcaan, taasna Askarigaasi ka dheggo adaygay.

Baadigoobka Fanaanka Nimcaan ayaa ka dambeeyey kadib kolkuu si dhuumasho ah dhanka xuduudka Jabuuti uu Boorama kasoo galay iyadoo aanu wax Cafis ah haysan, islamarkaana Maalinimadii Shalay gelinkeedi dambena garoonka kubadda Cagta koox dhalinyaro ah ugu qaybiyey Funaanado Calanka Soomaaliya laga Dheegay.

Nimcaan Hilaac waxa uu xiligan isagoo shacabka gacan ka helaya ku dhuumaalaysnaaya gudaha Boorama.

Comments are closed