|

Mulkiilaha Shirkada Qaadka ee Gaafane (Marwo Aamina Muxumed Cali  ‘’Aamina Gaafane’’) Astaan Ganacsi oo Ku dayasho Mudan!!!!!!

Marwo Aamina Muxumed Cali  (Aamina Gaafane) Waa Mid ka mid ah Haweenka Somaliland ee Kaalinta weyn ka Ciyaaray Horumarka ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland Waxay dhawr iyo Labaatankii Sano ee u danbeeyay ay ku hawlanayd ganacsiyo kala gedisan oo ay Somaliland ka hirgalisay.

Ugu horayn Marwo Aamina Muxumed Cali  ‘’Aamina Gaafane’’ waxay Mudo dheer ilaa maanta dalka keentaa Jaadka laga Keeno dalka Itoobiya oo Tayadiisu aad u Wanaagsan tahay taasi waxay keentay inay hanato dadka Cuna Jaadkeeda Kadib markii ay u bogeen Dhadhankiisa.

Wuxuu Ganacsigeeda Jaadku ka Soo Bilaabmaa Beeraha lagu beero Jaadka ee gudaha dalka Itoobiya gaar ahaan Degsiimooyinka Qoomiyada Oromada .

Shirkada Jaadka ee Gaafane waxay sidoo kale fursad shaqo u noqotay oo ku hoos nool Marka Tusaale loogu soo qaato Caasimadda Hargaysa Qoysas aad u Tiro badan oo Masaariiftooda ka hela, Kuwaas oo ka shaqeeya faracyada kala duwan ee Shirkadani ku leedahay Degmooyinka Caasimadda Hargaysa.

Sidoo kale Shirkada Qaadka ee Gaafane Waxay door weyn ku leedahay Dekhli Soo Saarka Xukuumadda,iyadoo si Maalinle ah Khasnada dawlada ugu Shubta dhaqaale badan oo ah Cashuurta laga qaado Jaadka waana ilaha dhaqaale soo saar ee Dawladu ku tiirsan tahay iyadoo Cashuurta ay bixiso uu Qayb ka noqdo Mushaharka Shaqaale weynaha dawlada iyo Ciidamadda kala duwan ee Qalabka sida.

Shirkadani waxay Maanta Qaadka gaysaa Magaalooyinka waaweyn ee dalka taas oo u saamaxday inay kasbato Macaamiil badan.

Dhanka Kale Marwo Aamina Muxumed Cali  (Aamina Gaafane) Kuma Koobna Iibinta Qaadka balse Waxaa u raaca Ganacsi door weyn ku leh Bilicda Caasimadda Hargaysa Sida Kaalin Shiidaal oo si Casri ah loo Bineeyay,Shirkad dhinaca Laydhka ah oo ka Furan Caasimadda Hargaysa taas oo noqotay Shirkada ugu Qiimaha Jaban ee Shirkadaha adeega Korontada bixiya.

Si kastaba ha ahaatee Shirkada Gaafane Company ayaa Tusaale u ah dhiirigelinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga Xorta ah ee Ka Jira Jamhuuriyadda Somaliland,Waana astaan u taaganku dayasho dhan kasta oo laga eegaba.

Comments are closed