Davos (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shirka dhaqaalaha adduunka.
Inta uu socdo kulanka, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona horumarka Soomaaliya, kobaca dhaqaalaha, iyo qorshayaasha dowladda ee ku aaddan horumar waara, isagoo dhanka kale xoogga saari doona xoojinta iskaashiga dalalka muhiimka ah si kor loogu qaado horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Davos waxa uu heli doonaa Abaalmarinta Hoggaaminta Madaxweynaha Afrika, isaga oo aqoonsan doona dadaalkiisa hoggaamineed ee ku aaddan horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo laba geesood ah la qaadan doona madaxda caalamka iyo dhinacyada ugu muhiimsan ee ka soo qeyb galaya shirka si loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah iyo dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya.
