Hargeysa (QJ) – C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland ay saami weyn ku leedahay Badda Cas, isla-markaana ay mudan tahay in lagala tashado arrimahaasi.
Waxa uu ku nuux-nuux saday in Somaliland ay xaq u leedahay inay ka dhiibato fikirkeeda ku aaddan arrimaha khuseeya ammaanka badda.
“Dalalka ku xeeran badda cas, dawladaha gobolka iyo quwadaha caalamiga ah ee danaha ka leh mandaqada, waxaanu xasuusinaynaa in Somaliland ay ka mid tahay wadamada ugu horeeya ee daneeya badda cas. Sidaa darteed, aqoonsi la’aanta Somaliland sabab uma aha in laga saaro wada-hadallada khuseeya amnigeeda,” ayuu yidhi Cirro.
Maamulkii hore ee Muuse Biixi ayaa sidaan oo kale dhowr jeer ku celceliyay in Somaliland ka qeyb galkeeda fagaarayaasha badda cas ay tahay mid lama huraan ah oo aan laga maarmin marka ay timaado arrimaha amniga.
Somaliland waxay maamushaa 850 kilomitir oo xeebta ah oo ku teedsan gacanka cadmeed, una dhow marin ganacsi oo muhiim ah. Waxay ku guulaysatay inay sugto ammaanka biyaheeda, iyadoo ka hortagtay falalka burcad-badeednimada.
