Madaxweynaha Soomaaliya oo sexeexay xeerka Shaqaalaha

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay sharciga shaqada Soomaaliya, kaasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, horayna ay u ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sharcigani wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta xuquuqda shaqaalaha iyo abuurista jawi shaqo oo cadaalad ah oo ku salaysan mabaadi’da sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha.

Sidoo kale waxaa diiradda lagu saarayaa sidii shaqaalaha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda goobta shaqada iyadoo la ilaalinayo danaha guud iyo taageeridda horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada H.E. Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa Madaxweynaha uga mahad-naqay inuu saxeexay xeerka shaqaalaha oo markii ugu horreysay muddo 52 sannadood ah dib-u-eegis iyo casriyeyn lagu sameeyay.

Sharcigu wuxuu la jaan qaadayaa dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya, dhaqaalaha suuqa xorta ah ee soo baxaya, iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyadoo la raacayo manhajka Islaamka iyo halbeegyada shaqada ee caalamiga ah.