London (QJ) – Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka UK ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay maalgeliso kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen. Waxa kale oo uu ku booriyay dawladda Maraykanka inay aqoonsato Somaliland.
Xildhibaanka oo si weyn u taageeray go’aanka Mareykanka uu ku xaddiday howlaha Hay’adda ugu weyn ee Samafalka ee USAID, ayaa ku andacooday in Dowladda Soomaaliya ay u adeegsatay Hay’addaasi in Al-Shabaab ay siiso taageero dhaqaale.
“Dowladda Soomaaliya waxay u adeegsatay USAID inay lacag iyo taageero u dirto Al-shabaab, waa waqtigii la joojin lahaa isticmaalka lacagaha canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka si ay u taageeraan dowladdan taageerta argagixisada,” Williamson ayaa ku yiri akoonkiisa X.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku eedeeyay Dowladda Somaliya inay taageero ciidan iyo mid dhaqaaleba siiso Xuutiyiinta Yemen, iyadoo Al Shabaab u adeegsato. “Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Al-Shabaab waxa ay dhaqaale iyo sahay ciidan u soo dirtaa Xuutiyiinta, Trump wuu ku saxsanaa duqeymaha uu ka wado Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn, Mudanaha ayaa ku boorriyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump inuu aqoonsado Somaliland, isagoo ku tilmaamay inay tahay meelaha ugu dimuqraadiga badan gobolka. “In la aqoonsado Somaliland, oo ah dalka ugu dimuqraadiga badan gobolka, lana joojiyo dhaqaalaha Maraykanku siiyo Muqdisho, ee taageera argagixisada,” ayuu yidhi.
Gavin Williamson waxa uu ka mid yahay dadka sida aadka ah ugu ololeeya aqoonsiga Somaliland, waxaanu marar badan doodo arrintan la xidhiidha ka hor keenay baarlamaanka UK.
