Puntland oo aqbashay qaxootiga Qasa

Garoowe (QJ) – Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in weerar dhanka cirka ah oo todobaadkii hore ka dhacay Somalia lagu dilay Hogaamiye sare oo ka tirsan Kooxda Daacish, kaasi oo la rumeysan yahay inuu u qaabilsanaa qorista Argagixisadda si ay weeraro uga geystaan ​​dalalka Reer Galbeedka.

Shaqsiga la bartilmaameedsaday ayaa lagu magacaabi jiray Ahmed Maelemini, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Daacish una qaabilsanaa qorista dagaalyahanada, maalgelinta iyo hogaaminta howlgallada dibadda. Sanadihii la soo dhaafay, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sii kordhayay saamaynta ay ku yeelanayaan, iyagoo lacagaha u xawila caalamka iyo qorsheynta weeraro caalami ah.

Warbixintu waxay iftiimisay in Axmed Maeleminine uu ahaa mid ay si weyn u yaqaaneen hay’adaha sirdoonka Maraykanka. Faahfaahinta howlgalkan ayaa waxaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday madaxweynihii hore ee Trump Sabtidii lasoo dhaafay, kaasoo la wadaagay muuqaallada duqeynta Soomaaliya.