Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiisyo kala sexeexday

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa maanta ku kulmay magaalada Baku, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay kor u qaadista xiriirka ka dhexeeya dalalkooda, iyaga oo diiradda saaraya waxbarashada, tamarta, amniga, iyo khibradda maamulka.

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiisyo muddo dheer soconaya, oo ay ku jiraan ballaarinta iskaashiga waxbarashada, siinta deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, iyo horumarinta cilmi baarista iyo hal-abuurka. Azerbaijan waxa ay sidoo kale ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta qaybteeda tamarta, gaar ahaan dhanka saliidda, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhanka amniga iyo difaaca, labada dal waxay ku heshiiyeen inay si dhow isaga kaashadaan tababarrada ciidamada, dadaallada la dagaalanka argagixisada, iyo xoojinta hay’adaha amniga. Sidoo kale, waxay isla garteen in la casriyeeyo maamulka dowladda, la tayeeyo adeegyada bulshada, lana tayeeyo maamul wanaagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Aliyev ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la sameeyo gogol joogto ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo sidii loo xaqiijin lahaa fulinta heshiisyadii ay wada gaareen.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu casuumay Madaxweyne Ilham Aliyev inuu booqasho ku yimaado Soomaaliya si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dal.