Dubai (QJ) – Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu uga billaabay shirar muhiim ah. Wuxuu la kulmay Sheikh Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum, Madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka, ahna Xaakimka Dubai.
Waxa uu sidoo kale la kulmay Sheikh Mansour Bin Zayed Bin Sultan Al-Nahyan, Wasiirka Madaxtooyada ee Imaaraadka Carabta.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, Guddoomiye Cirro waxa uu madaxda Imaaraadka kala hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga iyo xasilloonida gobolka. Waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay martiqaadka rasmiga ah ee loo fidiyay iyo soo dhawaynta heerka sare ah ee loo sameeyay isaga oo ka qayb galay shir madaxeedka dawladaha caalamka.
Guddoomiye Cirro ayaa shalay ka qayb galay furitaanka shir-madaxeedkaas, waxaanu ka jeediyay khudbad uu ku dhiirigelinayo ictiraaf raadinta Somaliland, isla markaana soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira mandaqada.
