Mareykanka oo hakiyay bixinta kharashka AUSSOM

Washington (QJ) – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u diiday in ay dhaqaale ku bixiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo bedelay howlgalkii hore ee ATMIS-ka.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay in AUSSOM lagu taageero ilaa 75% miisaaniyadeeda si loo sii wado dadaallada xasilinta Soomaaliya.

Mareykanka oo ka mid ah dalalka dhaqaalaha ku bixiya howlgallada caalamiga ah ayaa sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay dhaqaale u qoondeeyaan howlgalkan cusub.

Senator Jim Risch oo ka tirsan Aqalka Senate-ka, ayaa si cad u sheegay in Mareykanka uu horey ugu deeqay dhaqaale badan, iyadoo aan laga gaarin natiijooyin la taaban karo, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu intaa ku daray in aysan macquul ahayn in lacagta canshuur bixiyayaasha Mareykanka ay mar kale maalgeliyaan howlgal aan weli la xaqiijin. Waxa uu ugu baaqay Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka in ay xil iska saaraan sidii loo maalgelin lahaa AUSSOM.

Go’aankan Mareykanka ayaa culeys weyn saaraya Soomaaliya, maadaama weli dalka uu u baahan yahay taageero dhaqaale si loo sugo amniga, gaar ahaan khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe kordhisay weerarada.