Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, xilli uu khudbad u jeedinayey Baarlamaanka Somaliland. Dhaleeceyntan ayaa timid maalmo kadib markii RW Xamza uu booqasho ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay isku haystaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.
Madaxweyne Cirro waxa uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ku eedeeyay inuu ku xad-gudbay Madaxbanaanida iyo Madaxbanaanida Dhuleed ee Somaliland, isaga oo ka digay in maamulkiisu uu “mas’uuliyad buuxda iska saari doono cawaaqib kasta oo ka dhasha ficilkiisa.
Hoggaamiyaha Somaliland waxa uu intaa ku daray in safarka Xamza uu sii kordhin karo xiisadda, isla markaana uu ka dhalin karo dagaal mar kale ka dhaca bariga gobolka Sool oo aan xasilloonayn. Waxa uu sheegay inay Somaliland xaq u leedahay inay iska difaacdo faro-gelin kasta oo dibadda ah.
Inkasta oo uu hadalkaas adagi ka soo baxay, haddana Cirro waxa uu ku adkaystay in Somaliland ay ku taagan tahay nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dawladda ka go’day “ay iska difaaci doonto gardarro kasta.”
Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin hadalladaas.
