RW Hamsa ayaa si rasmi ah u daah furay siyaasadda mushaaraadka shaqaalaha dowladda

MUQDISHO (QJ) – Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay siyaasadda mushaar bixinta iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah, taasoo ka dhigan tallaabo muhiim u ah dadaalka ay dowladdu ugu jirto tayeynta maamulka iyo horumarinta hufnaanta adeegyada dowladda.

Munaasabadda lagu soo bandhigayay mashruucan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro, agaasimayaal guud, madaxda hay’adaha dowladda, iyo marti sharaf kale.

Hadalkiisa, RW Hamza waxa uu ku nuuxnuuxsaday in siyaasaddani ay muhiim u tahay xoojinta nidaamka mushaar bixinta, horumarinta hufnaanta maamulka, iyo kobcinta jawi shaqo oo caddaalad ah oo tartan leh.

“Hirgelinta siyaasaddan waxay dejin doontaa nidaam shaqo oo cadaalad ah, iyadoo la hubinayo in shaqaalaha rayidka ah ay si cadaalad ah u kala qiimeeyaan doorkooda iyo in mushaarkooda uu ka tarjumayo xilalka iyo waajibaadka saaran,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Siyaasadda cusub ayaa la filayaa inay xalliso madmadowga iyo is-maandhaafka muddada dheer soo jiray ee qiimaynta shaqaalaha dawladda, iyadoo soo bandhigaysa qaab cad oo qiimaynta shaqaalaha ah iyo go’aaminta mushaharka. Intaa waxaa dheer, waxay ujeedadeedu tahay inay dhiirigeliso shaqaalaha dawladda inay si wax ku ool ah uga qaybqaataan horumarinta qaranka, bixinta adeegga dadweynaha, iyo dadaallada dawlad-dhisidda.