Muqdisho (QJ) – Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay go’aankii dhawaan uu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku ansixiyay hannaanka ay Puntland u aqoonsanayso xubnaha dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wasaaraddu waxay tallaabadaas ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka, isla markaana baalmarsan shuruucda dalka.
Qoraal rasmi ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in go’aanka Puntland uusan lahayn wax sharci ah ama mid qaran, wuxuuna meesha ka saarayaa madax-bannaanida iyo hannaanka federaalka ee Soomaaliya. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale ka digay in tallaabadaasi ay carqaladeyso qorshayaasha horumarineed ee qaranka iyo in ay carqaladeyso dadaallada socda ee lagu xoojinayo hannaanka siyaasadeed iyo kuwa maamul ee dalka.
Wasaaraddu waxay ku boorisay hoggaanka Puntland inay ka tanaasulaan hawlaha hal dhinac ah, taa beddelkeedana ay si wax ku ool ah uga hawlgalaan hirgelinta hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta qaranka (NIRA), oo ah nidaamka federaaliga ah ee horay loo dejiyay si loogu maareeyo xogta aqoonsiga muwaadinka iyo diiwaan gelinta madaniga ah.
