Taiwan ayaa la sheegay in ay heshiis Milatari la saxiixanayaan Somaliland

Taipei (QJ) – Taiwan ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay Somaliland la saxeexato heshiis milateri badhtamaha sannadkaas, kaas oo Somaliland u ogolaanaya inay hesho agabka ciidamada Taiwan oo ay ku jiraan hantida badda.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in qalabkani uu bedeli doono qalabkii milatari ee Taiwan ay dhawaan cusboonaysiisay.

Somaliland waxay hore u dirtay dhawr askari oo tabobar milateri u jooga Taiwan.

Dalka Shiinaha oo ka mid ah dalalka ugu awoodda badan adduunka dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba, waxa uu maal-gashi xooggan ku sameeyay dalal badan oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan kuwa Geeska Afrika.

Senator-ka Mareykanka ayaa uga digay Soomaaliya inay la kulmi doonto tallaabooyin aargoosi ah haddii aysan ka laaban go’aanka ay ku diiday aqoonsiga Taiwan.

Somaliland iyo Taiwan labaduba waxay sheeganayaan inay ka madaxbannaan yihiin Soomaaliya iyo Shiinaha, laakiin midkoodna aqoonsi rasmi ah kama helin Qaramada Midoobay iyo inta badan beesha caalamka.