Muqdisho (QJ) – Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa markii ugu horeysay si cad u xaqiijiyay in Soomaaliya ay qeyb ka tahay isbaheysiga Carabta ay hormuudka ka yihiin (oo ay hormuud ka yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka) ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Sacuudiga ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka ay kula jiraan Xuutiyiinta.
Wareysi uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayuu sidoo kale ku sheegay in ujeedooyinka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya ay la xiriirto la wareegida gacan ku heynta badda cas iyo badweynta Hindiya, iyadoo lagu eedeeyay inay taageero ka helaan Xuutiyiinta Yemen.
Madaxweyne Xasan ayaa intii uu xilka hayay isku dayay inuu ciidamo Soomaali ah u diro dalka Yemen si ay ugu biiraan xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka, balse qorshahaasi waa uu fashilmay. Taas beddelkeeda, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirka Iiraan—tallaabadan ayaa ka careysiisay Sacuudiga oo ku eedeeyay Iran inay taageerto Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, ujeedooyinka ballaadhan ee isbahaysiga ayaa ahaa kuwo aan isbeddelin.
Dadaallada militari ee isbaheysiga Carabta ayaa markii hore wiiqay Xuutiyiinta, balse horumaradii ugu dambeeyay ayaa kooxda dib u soo ceshatay. Tani waxay ku qasabtay Sacuudi Carabiya inay dib u eegis ku sameyso istiraatijiyaddeeda, taasoo horseedaysa soo celinta xiriirkii diblumaasiyadeed ee Iran (waxaa dhexdhexaadinayay Shiinaha 2023). Intaa waxaa dheer, Sacuudi Carabiya waxay ku cadaadisay Mareykanka inuu joojiyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta si loo dejiyo xiisadda.
Todobaadki hore, wasiirka difaaca Sacuudiga Khalid bin Salman ayaa booqday Tehran, isagoo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ku aadan xoojinta xiriirka Sacuudiga iyo Iran. Tani waxay la mid tahay baaqii Madaxweyne Xasan ee ku aadanaa taageerada Sacuudiga, iyadoo tani ay ku soo aadeyso, iyadoo Boqortooyada Sacuudiga ay isbedeleyso Siyaasada Xuutiyiinta.
