Madaxweyne Geele oo Imaraadka ku eedeeyay burburinta Geeska Africa

Jabuuti (QJ) – Madaxweynaha Jabuuti Oo Si Adag U Weeraray Dawladda Imaaraatka Carabta Oo Uu Ku Eedeeyey Inay Balaayiin Maalgashi Afrikaan Ah U Adeegsato Sidii Ay U Qarin Lahaayeen Qorshayaasha Military.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siinayay Idaacadda caalamiga ah ee Radio France Internationale ayaa si kulul u naqdiyay ololaha maalgashiga Imaaraadka ee 110-ka bilyan ee dollarka Mareykanka ah, isagoo ku sifeeyay inay tahay xeelad istaraatiiji ah oo lagu ballaarinayo saameynta militariga iyadoo lagu qarinayo horumarinta dhaqaalaha.

“Imaaraadku wuxuu si qoto dheer u khalkhal gelinayaa xasilloonida gobolka,” ayuu raaciyay.

Hadalka Madaxweynaha ayaa muujinaya walaac isa soo taraya oo ka jira qaar ka mid ah wadamada Afrikaanka ah ee ku aadan qaabka laba ujeedo ee maalgashiga shisheeye, gaar ahaan kuwa ku xiran kaabayaasha muhiimka ah sida dekedaha, adeegyada shidaalka, iyo isgaarsiinta.

“Ma jiraan maalgashi dhaqaale oo keliya, waxay ka kooban yihiin ujeeddooyin ciidan oo qarsoon oo khatar gelin kara madaxbannaanida iyo xasilloonida waddamada Afrika,” ayuu yidhi Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti ay horay u diiday codsigii Imaaraadka ee ahaa in saldhig milatari laga sameeyo. Diidmadaas ka dib, ayuu yidhi, Imaaraadku waxa ay u weeciyeen dadaalladooda dhinaca dalalka deriska ah, iyaga oo raadinaya goobo istaraatiiji ah oo mara marinnada muhiimka ah ee badda.

Xiriirka Imaaraadka iyo Jabuuti ayaa xumaaday tan iyo markii ay Jabuuti ka ceyrisay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta maamulida dekedaha Jabuuti. Imaaraadka ayaa si weyn u ballaariyay saameyntiisa Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaan.

Soomaaliya, Imaaraadku wuxuu taageeray maamul goboleedyada ka soo horjeeda dowladda Federaalka, falalkaas oo halis gelinaya midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle oo la weydiiyay inuu mar kale u tartami doono doorashada Jabuuti ee la qorsheeyay inay ka dhacdo bisha December, ayaa ku jawaabay: “Su’aashaasi jawaab uma qalanto.

Dastuurka Jabuuti waxa uu dhigayaa in da’da madaxweynanimada ay tahay 75 sano, taas oo la macno ah isku day kasta oo Geelle uu ku doonayo in mar kale la doorto uu u baahan yahay in wax laga beddelo dastuurka.