Wadamada Carabta ayaa si isku mid ah u Cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Xerada Damaanyo 

Muqdiho (QJ) – Dalalka Carabta ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday Xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan.

Dowladaha Kuwait, Bahrain, Imaaraadka Carabta, Qatar, iyo Masar ayaa si adag u cambaareeyay weerarkan bayaan rasmi ah.

Dowladda Kuwait ayaa sheegtay inay si adag u cambaareyneyso weerarka, iyadoo dhanka kale xaqiijisay mowqifkeeda cad ee ka dhanka ah dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo ururada argagixisada iyo wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa gudaha u galay ka dibna isku qarxiyay dhalinyaro aad u fara badan oo la safnaa in la diiwaan geliyo ciidamada dowladda ee ku sugan xerada Damaanyo. In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay goobta, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.