Dawlada Soomaaliya oo shir u qabatay ururada isdiiwaangeliyay

Muqdisho (QJ) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ballaaran oo wada-tashi ah oo u dhaxeeya xisbiyada siyaasadda ee isdiiwaangeliyay iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shir heerkiisu sareeyo oo wada tashi ah oo u dhaxeeya ururada siyaasada ee isdiiwaangeliyay iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ugu horeyso wasiirka cadaaladda, wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay guddiga isku xirka dib u heshiisiinta Qaranka oo uu shir guddoominayay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud.

Wada-hadallada ayaa ugu horreyn diiradda lagu saaray saddex arrimood oo muhiim u ah qaranka, sida arrimaha amniga, arrimaha dastuurka, iyo hannaanka doorashada.

Kulankan ayaa u diyaar garoobaya shirweynaha qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la doonayo in lagu gaaro isfaham siyaasadeed oo heer qaran ah.