Dubai (QJ) – Hogaamiyayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa inay xal ka gaareen khilaafkii iyo khilaafkii mudada dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeyay labada mas’uul.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku guuleysatay inay dhexdhexaadiso khilaafka labada mas’uul oo mar ahaa saaxiibo aad isugu dhow, balse markii dambe ku kala jabay doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh, una magacaabay Xamza Barre inuu noqdo Ra’iisul wasaare, xilkaas oo uu Siciid Deni doonayay. Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay hadda xaliyeen cabashooyinkoodii hore, islamarkaana ay soo cusboonaysiiyeen isbaheysigoodii, iyagoo si cad uga soo horjeeda danaha Villa Somalia (Madaxtooyada Soomaaliya).
Labada hogaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa inay u safraan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo laga yaabo inay ka billaabaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah Villa Somalia, ayna qorsheeyaan xeelado cusub.
Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa inay ku biiraan Isbaheysiga Mucaaradka ee kasoo horjeeda qorshaha Villa Somalia. Isbaheysigan intiisa badan ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana ay wadaan abaabul siyaasadeed iyo kulamo gaar gaar ah.
