Nairobi (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Dr. C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay dalka Kenya, ayaa kulan ballaadhan la qaatay saaxiibada Somaliland ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.
Madaxweynaha waxa ku wehelinayey xubno ka mid ah weftigiisa iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xafiiska Somaliland ee dhawaan laga furay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Geesta kale, wakiilo ka socday beesha caalamka ee ka soo qayb galay shirkan ayaa waxa ka mid ahaa safiiro, safiir ku xigeeno, hay’adaha Qaramada Midoobay, masuuliyiin ka socday Baanka Adduunka, masuuliyiin ka socday Baanka horumarinta Afrika iyo wakiilo sarsare oo ka socday dalalka Somaliland la saaxiibka ah.
Madaxweyne Cirro oo khudbad u jeediyey asxaabta Somaliland, ayaa ka warbixiyey qorshayaasha maamulkiisa ee la xidhiidha Horumarka, Nabadda, Dimuqraadiyadda.
Arrimaha Dhaqaalaha, Arrimaha kale ee mudnaanta u leh Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, saaxiibada Somaliland ee ka soo qayb-galay kulanka ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay sida rasmiga ah ee ay xukuumaddiisu u dhex-dhigtay maleeshiyo-beeleedyada, waxaanay ballan-qaadeen iskaashi midaysan oo ku dhisan is-faham iyo wada-shaqeyn.
