Washington (QJ) – Dowladda Mareykanka ayaa walaac aan caadi ahayn oo xooggan ka muujisay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ku eedeysay inuu ka hormarinayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadda gudaha dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab.
“Waxaan ka walaacsanahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiradda saaro arrimaha siyaasadda gudaha, bedelkii uu xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli khatartu ay sii kordhayso,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka oo la hadlay wargeyska The Washington Post. Hadalladan oo aan horay loo maqlin xilligii dowladdii Trump, ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisado siyaasadeed, oo dowladda Federaalka ay wajahayso dhaliilo la xiriira sida ay u maareysay amniga, doorashooyinka, iyo wadashaqeynta hay’adaha.
Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay weli ka go’an tahay inay la shaqeyso ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan dalkaas.
“Waan sii wadi doonnaa wadashaqeynta dhow ee aan la leenahay ciidamada Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Ilaa hadda, Madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin hadaladan ka soo yeeray Aqalka Cad iyo Saraakiisha Mareykanka.
