Muqdisho (QJ) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la dilay hoggaamiyihii Al-shabaab ee gobollada dhexe, Nuur Cabdi Rooble (Nuunule).
Wasiirka gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in horjoogahan oo ay wehliyaan saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday goob uu shir ku lahaa oo ka dhacayay deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Galgaduud.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaageynaa warka ku saabsan in la ciribtiray hogaamiyihii ugu sareeyay ee Khawaarijta (Al-Shabaab) ee howlgallada ka waday gobollada dhexe ee Hiiraan, Galgaduud, Shabeellaha Dhexe, iyo Mudug, kaddib markii uu ku dhaawacmay weerarkii shalay ka dhacay Ceelhareeri oo lagu dilay in ka badan 40 horjoogayaal iyo dagaalyahanno,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Fiqi ayaa intaa ku daray in Nuuule uu maanta duhurkii u dhintay dhaawac ka soo gaaray duqeyntii shalay ka dib markii Al-Shabaab ay waayeen meel lagu daweeyo.
Waxa uu sheegay in Hogaamiyahan uu ugu horeeyo mas’uul ka ahaa dagaaladii sanado ka hor ay Al-Shabaab ku qaadeen Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo Ahlu Sunna ay ka talineysay deegaanadaasi. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanada Galcad, Cowsweyne, Ceel la helay, Caad, Ceeldheer, iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Gobollada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
“Wuxuu ahaa dhibka uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed, dhibka uu geystayna Alle ha inaga dulqaado, Khawaarijta (Al-Shabaab) way ku adkaan doontaa in ay soo saaraan hogaamiye kale oo isaga oo kale ah oo u taliya gobolada dhexe, sidaas ayuuna ku dhamaan doonaa hogaamiye kasta oo Al-Shabaab ah” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
