Somaliland oo ka qeybgashay shir caalemi ah iyo Soomaaliya oo ka carootay

Windhoek (QJ) – Calanka Somaliland Oo Markale Kasoo Muuqday Masraxa Caalamiga Ah Ee Garab Taagan Calanka Somaliya Kaasi Oo Kasoo Qayb Galay Shirka Wada-hawlgalayaasha Dhaqaalaha Afrika

Calanka Somaliland ayaa mar kale si weyn uga dhex muuqday fagaarayaal caalami ah, waxaana lagu garab taagay calanka Soomaaliya, xilli uu socday shir caalami ah oo looga hadlayay dalalka Afrika ee dhaqaalaha la wadaaga.

Shirkan ayaa ka dhacay magaalada Windhoek ee caasimadda dalka Namibia.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika iyo dalal kale oo aan gobol ahayn oo ay ka mid yihiin Namibia, Angola, Mozambique, Botswana iyo Zimbabwe, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo la xidhiidhay Julius Amoti oo ah Agaasimaha Sare ee Hay’adda ICRD (Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Caalamiga ah), ayaa ku adkaystay inuu Twitter-kiisa (X) ka saaro qoraal muujinaya calanka Somaliland oo ka muuqda shirka lagu qabtay magaalada Windhoek ee dalka Namibia.

Namibia waxa ay ku taal xeebta galbeed ee koonfurta Afrika,waxana ay dhinaca galbeed ka xigtaa badweynta Atlaantik. Waxay xuduud dhuleed la wadaagtaa Angola iyo Zambia, waxayna xubin ka tahay 56-da xubnood ee urur siyaasadeedka.

Somaliland oo 25 sano ka hor ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa si weyn u raadinaysa aqoonsi caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, dawladda Soomaaliya oo ka soo horjeeda tallaabadan, ayaa si joogto ah ugu hawlan ka hortagga dedaallada Somaliland mar kasta oo ay soo baxaan.