Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo billaabanaya 1-da Luulyo.

Muqdisho (QJ) – Hawlgalka Ku-meel-gaarka iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah howlahooda u billaabi doona 1-da Luulyo 2025, iyagoo si buuxda ula wareegaya mas’uuliyadda amniga ee howlgalka ATMIS-ka.

AUSSOM waxaa la aas aasay 1dii Janaayo 2025 iyadoo ogolaansho laga helay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hawlgalka ayaa loo oggolaaday in la geeyo ilaa 12,000 oo shaqaale ah, oo ay ku jiraan ciidamo militari ah iyo 680 boolis ah.

Qorshaha ayaa ah in si tartiib tartiib ah loo dhimo tiradan dhamaadka sanadka 2025. Si kastaba ha ahaatee, AUSSOM waxay wajaheysaa caqabado dhaqaale, taasoo u baahan $90.4 milyan si ay u shaqeyso inta u dhexeysa Janaayo iyo June 2025 laakiin waxay heshay $16.7 milyan oo kaliya — taasoo ka dhigeysa $73.7 milyan oo gabaabsi ah.

Si loo xaqiijiyo maalgelinta xasiloon, Qaramada Midoobay waxay ansixisay habayn maalgelineed oo isku-dhafan, taasoo u oggolaanaysa ilaa 75% miisaaniyad-sannadeedka AUSSOM in lagu daboolo tabarucaad ay Qaramada Midoobay qiimeysay laga bilaabo 1da Luulyo 2025.

Guulihii Milatari ee u dambeeyay ee ka horeeya furitaanka AUSSOM
Ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin, ciidamada AUSSOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed (SNAF) ayaa dib ula wareegay magaalooyin istiraatiiji ah oo ay horay u maamuli jireen Al-Shabaab.

Hawlgal wadajir ah oo socday saddex maalmood bishii Juun, looguna magac daray “Duufaan Aamusan” ayaa lagu xoreeyay magaalooyinka Caanoole iyo Sabiid.

AUSSOM waxay sheegtay in hadafka howlgalka uu ahaa in la xoreeyo goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada ah.

Sarreeye Guuto Joseph Ssemwanga oo ah taliyaha qeybta koowaad ayaa xusay in Sabiid iyo Caanoole ay tan iyo bishii March ahaayeen goobo muhiim ah oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, halkaasi oo ay kooxdu ka soo qorsheeyeen weeraro, ay ku keydsadaan walxaha qarxa, isla markaana ay dhigteen jidgooyo sharci darro ah.