Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Xuska 65-aad ee maalinta Xornimada.

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galaya xuska sannad-guurada 65-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Koonfureed ee dalka iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka taagay 12 tiir oo calan ah, taasi oo ka dhigan 65-sano ka hor oo markii ugu horreysay calanka laga taagay magaalada Muqdisho 1-dii Luulyo 1960-kii.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa in uu ubax dhigo xarumaha ay ku taallo gobanimadoonka Soomaaliyeed ee ku yaala magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin kuwii Sayid Maxamed C/llaahi Xasan, Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SY, Dhagaxtuur iyo Xaawo Taako.

Sidoo kale, Madaxda Qaranka ayaa ka qeyb geli doona Munaasabad si wadajir ah iyo dabaal-deg ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, kaasi oo ka dhici doona Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha uu khudbad ka jeedin doono Munaasabadda 1-da Luulyo (Maalinta Xorriyadda).