Hargeysa (QJ) -La-taliye sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa saddexdii toddobaad ee u dambeeyay ku sugnaa Hargeysa, halkaas oo uu kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Wararku waxay sheegayaan in wada-hadalladan diiradda lagu saaray sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiis nabadeed oo ku saabsan colaaddii dhawaan ka dhacday Ceerigaabo, Sanaag.
La-taliyaha oo aan magaciisa si rasmi ah loo shaacin, ayaa Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, u xil saaray inuu Madaxweyne Cirro kala shaqeeyo dib u heshiisiintii Ceerigaabo. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Somaliland ay dhawaan sheegtay inay diyaar u tahay xabad joojin lagu xaliyo dagaaladii ka dhacay magaalada.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxda maamulada Puntland iyo Somaliland ay shir ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dhameystirka heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda Ceerigaabo. Iska horimaadkan ayaa waxaa ku lug lahaa ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, waxaana dagaalkaas uu sababay barakac ballaaran oo magaalada ka dhacay.
Deni iyo Cirro ayaa sidoo kale isku afgartay in la isku duba rido howlgallada lagu beegsanayo maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Buuraha Calmadow, halkaasoo Puntland ay duulaan ku qaaday. Dhanka kale howlgal gaar ah oo ciidamada loogu magac daray Onkod ayaa hadda ka socda qeybo ka mid ah gobolka Bari, si meesha looga saaro khataraha argagixisada.
