Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale la kulmaya Mucaaridka

Muqdisho (SD) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulankoodii saddexaad ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saarayaa xalinta khilaafaadka ka dhashay qaabka doorashada 2026 iyo wax ka bedelka dastuurka.

Qodobada kasoo baxay kulankaan ayaa ah mid si weyn isha loogu wada hayo, maadaama labadii wadahadal ee hore ay isku mari waayeen.

Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aamo muhiim ah oo wax ka bedeli kara hanaanka doorashada 2026 iyo hirgelinta dib u habeynta dastuurka.

Natiijooyinka shirkan saddexaad ayaa ah mid si weyn loo wada sugayo, waxaana dad badan ay rajeynayaan inuu horseedi doono heshiisyo muhiim ah oo qaabeeya mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac xooggan oo laga qabo in haddii wada-hadallada ay fashilmaan, in Somalia ay gasho waji cusub oo khilaaf siyaasadeed ah, iyadoo doorashada 2026-ka ay noqoto mid muran iyo muran ka taagan yahay.