Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Golaha Dhaqaalaha Carabta Iyo Afrika

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey wefti heer sare ah oo ka socda Golaha Sare ee Iskaashiga Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika. Weftigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Dr. Hani Xasan Abu Zayid, ayaa ka kooban sagaal xubnood, waxaanay socdaal rasmi ah ku yimaaddeen Somaliland.

Golaha Sare ee Iskaashiga Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika waa urur caalami ah oo ka kooban maalgashadayaasha waaweyn, hoggaamiyeyaasha ganacsiga, iyo hay’adaha maaliyadeed ee kala duwan ee Carabta iyo Afrika. Golahan oo lagu aasaasay dalka Faransiiska kana diiwaan gashan Qaramada Midoobay ayaa xaruntiisu tahay dalka Sucuudiga.

Kulankan ayaa labada dhinac kaga wadahadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi ee Somaliland, balaadhinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga gobolka.

Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha Somaliland, Mudane Siciid Maxamed Buraale (oo shalay marti-geliyey weftiga), ayaa ka warbixiyey ujeeddada socdaalkooda, indho-indhaynta maalgashiga iyo fursadaha ganacsi ee Somaliland, isagoo kulamo la yeeshay hay’adaha muhiimka ah ee dawladda ee qaabilsan khayraadka dabiiciga ah, sida macdanta, xoolaha, kalluumaysiga iyo beeraha, iyo samaynta xafiis ay yeelanayaan Golaha Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika ee Somaliland.

Madaxweyne Cirro waxa uu weftiga uga mahad-celiyey socdaalkooda, waxaanu uga xog-warramay qorshayaasha horumarineed ee Somaliland ee istiraatijiyadeed, nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, sida ay u shaqeyso ee dawladnimada dimuqraadiga ah, meelaha la iska kaashan karo, gaar ahaan khayraadka dabiiciga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo ganacsiga.

Weftigu waxay bogaadiyeen horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay, waxaanay muujiyeen inay diyaar u yihiin kor u qaadista iskaashiga dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, iyo horumarka. Waxa kale oo ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan in si wada jir ah looga faa’iidaysto fursadaha dhaqaale ee Somaliland.

Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan, waxaana lagu heshiiyey in Golaha Sare ay booqashooyin kale ku yimaadaan, isla markaana ay la yeeshaan Hay’adaha dawladda Somaliland ee ay khusayso arrimaha khuseeya labada dhinac.