Garoowe (QJ) – Maamulka Puntland ayaa xalay warsaxaafadeed uu soo saaray si kulul u beeniyay eedeymo uga yimid dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo Puntland ku eedeysay in ay tahay xarun burcadbadeed ah oo ku lug leh afduubka markab ganacsi.
War saxaafadeedka, maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadooda ilaalada xeebaha ay gacanta ku dhigeen markab lagu magacaabo MV SEA WORLD, kadib markii laga helay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Bari.
Maamulka ayaa caddeeyay in kalluumaysato deegaanka ah ay markii hore damceen inay markabka raacaan, balse markii dambe ay ka hortageen ciidamada ilaalada xeebaha Puntland, kuwaas oo badbaadiyay markabka, kana hortagay in shixnadiisa uu gacanta u galo dadka rayidka ah.
Sidoo kale, Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Ganacsade ka yimid Muqdisho iyo Safiirka Turkiga ay kala xiriireen shixnadda lagu muransan yahay ee Markabka.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in MV SEA WORLD uu sido qalab ciidan—oo aan ahayn alaabo ganacsi—oo si toos ah uga hor imaanaya sheegashada dowladda Federaalka. Tani, ayay Puntland ku doodday, in ay daaha ka qaadayso been-abuurka rasmiga ah ee Soomaaliya.
