Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Kooxda Daacish

Garoowe – (qurbejoog) – War rasmi ah oo maanta soo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka Puntland oo taageero ka helaya kuwa Maraykanka u qaabilsan la dagaalanka argagixisada, ay gacanta ku dhigeen Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf (Cabdiweli Walalac) oo ahaa madaxii maaliyadda ee ururka Daacish ee Soomaaliya, isla markaana ah u qaabilsanaha kooxda Daacish.

Xarigan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli howlgal qorsheysan uu ka dhacay tuulada Laag ee degmada Xumbeys. Maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay howlgalkan mid qeyb ka ah ololaha la dagaalanka Argagixisada oo si weyn hoos ugu dhigay awooda Daacish ee gobolka.

“Ciidanku waxay gacanta ku soo dhigeen Cabdiweli Walalac oo ah madaxa maaliyadda ee Daacish iyo isku duwaha ajnebiga ah ee dagaalka iyo laba nin oo gacan saar la lahaa intii lagu guda jiray howlgalka si taxadar leh loo qorsheeyay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska la dagaalanka argagixisada Puntland.

Ciidamada Mareykanka ee “Hawlgalka Calmiskaad” (Howlgalka La-dagaalanka Argagaxisada) ayaa taageero muhiim ah siiyay howlgalka. Saraakiisha ayaa ku nuux-nuux saday in howlgalkan uu muujinayo horumar laga gaaray burburinta shabakadaha dhaqaalaha ee Daacish ee Soomaaliya.

“Ololaha ka hortagga argagixisada waxa uu gaaray marxalad adag, iyadoo la xoojinayo dadaallada aan ku baacsaneyno saraakiisha baxsadka ah ee Daacish iyo hoggaankooda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka, taasoo muujineysa sii socoshada howlgallada ka dhanka ah haraadiga kooxda.

Xarigan ayaa dhabar jab weyn ku ah kooxda Daacish-Somalia oo isku dayday inay saldhigyo ka sameysato Puntland, iyadoo kula tartamaysa kooxda weyn ee Al-Shabaab. Falanqeeyayaasha ayaa xusay in khalkhal galinta dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee kooxda ay curyaamin karto awooddooda ay ku bixiyaan mushaarka dagaalyahanada iyo soo iibinta hubka.

Puntland waxay u soo baxday inay tahay saaxiibka muhiimka ah ee dadaallada la dagaallanka argagixisada gobolka, iyadoo ciidamada Maraykanku ay tababaro, sirdoon iyo taageero hawleed siiyaan ciidamada ammaanka maxalliga ah. Hawlgalka maanta lagu guuleystay ayaa hoosta ka xarriiqaya waxtarka iskaashigan ee lagu beegsanayo shakhsiyaadka argagixisada ah ee qiimaha sare leh.

Maamulku ma shaacin halka uu hadda ku sugan yahay Walalac iyo in lagu maxkamadayn doono Puntland iyo in loo wareejin doono meelo kale. Ciidamada amaanka ayaa wali ka feejigan weeraro aargoosi ah oo ay geysan karaan taageerayaasha Daacish.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya ay weli la daalaa dhacayso khataro badan oo dhanka ammaanka ah, iyadoo Daacish iyo Al-shabaab labaduba ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan gobollada dalka.