Somaliland iyo Taiwan Oo Ka Jawaabay Dhaliilay uga timi Shiinaha

Hargeysa (QJ) – Xafiiska wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga jawaabay hadallo iyo eedaymo ka soo yeedhay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, kuwaas oo cambaareeyey heshiiskii iskaashiga badda ee ay dhawaan wada saxeexdeen Taiwan iyo Somaliland.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay heshiiska cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo amniga badda. Waxay la jaan qaadaysaa ujeeddada istiraatijiyadeed ee Somaliland ee ah ilaalinta xeeb ka madax bannaan saamaynta shisheeye ama faragelinta – tiir muhiim ah oo ka mid ah aragtideeda horumarinta Dhaqaale Buluugga ah oo waara.

Xafiiska Taiwan waxa uu carabka ku adkeeyay in Taiwan ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo dalalka gobolka, si ay u taageeraan nabadda, xasilloonida, iyo nidaam caalami ah oo ku saleysan xeerar.

Bayaanka ayaa sidoo kale loogu baaqay dowladda Shiinaha inay joojiso falalka lagu tilmaamay inay yihiin kuwa dulmi iyo daandaansi ka wada gobolka, iyadoo lagu adkeeyay in dadaallada ay diiradda saaraan sidii loo taageeri lahaa nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, halkii ay sii hurin lahaayeen xiisadda.

Taiwan waxay ku celisay in iyada iyo Shiinuhu ay yihiin maamulo gaar ah iyo in Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha (PRC) aysan waligeed xukumin Taiwan – xitaa hal ilbiriqsi ma aha. Taiwan waxay xaqiijisay maqaamkeeda qaran madax banaan oo aan waligiis hoos imaan maamulka Beijing. Haddaba, isku dayga Shiinuhu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo iskaashiga Taiwan iyo Somaliland waxa lagu tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo aan sharci ahayn.

Dhinaca kale, Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa si adag uga soo horjeesatay heshiiska dhinaca badda ee Taiwan iyo Somaliland, waxayna ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay mabda’a hal shiinaha ah. Shiinuhu waxa uu ku dooday in heshiiskaasi uu khatar ku yahay madaxbanaanida dhuleed,waxana uu ku baaqay in la baabiiyo.

Somaliland oo ka jawaabtay ayaa diiday eedaymaha Shiinaha, waxaanay sheegtay in heshiiska ay la gashay Taiwan uu yahay mid keliya oo la xidhiidha nabad-gelyo iyo horumar, isla markaana aanu khatar ku ahayn danaha Shiinaha. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu horumarinayo ammaanka xeebaha Somaliland.