Dagaal markale ka qarxay magaalada Balad Xaawo

Muqdisho (QJ) – Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa markale ka dhacay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Iska horimaad xooggan ayaa maanta mar kale ku dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland oo ku sugan magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay labada dhinac ku dagaalameen.

Wariyeyaasha ku sugan Balad-Xaawo ayaa soo sheegaya in dagaalka maanta uu yahay mid aad u xooggan, iyadoo madaafiicda ay ku dhacayeen qeybo ka mid ah magaalada, kuwaasoo intooda badan ay horay uga baxeen dadka deegaanka.

Labada dhinac ayaan guulo la taaban karo ka gaarin dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay socday. Iska horimaadka maanta ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo duleedka magaalada iyo xaafado ka tirsan degmada Balad-Xaawo, halkaasi oo labada dhinac ay isku hayaan.

Inta badan dadkii ku noolaa degmada Balad-Xaawo ayaa isaga barakacay magaalada, iyadoo dadka rayidka ah ay dhibaatadu ugu badan tahay deegaanada ku xeeran iyo kuwa ku dhow xadka ay wadaagaan magaalooyinka Mandheera iyo Balad-Xaawo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa ka ganacsanayay dagaalka Balad-Xaawo. Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii dowladda Soomaaliya ay diyaarad u qaaday Cabdirashiid Janan oo ay u magacawday taliyaha nabad sugidda gobolka Gedo, waxaana la geeyey Balad-Xaawo, waxaana tallaabadan ay Jubbaland ku muransan tahay.