Somaliland oo Soomaaliya ku eedeysay inay colaadda ka hurinryso Sool iyo Sanaag

Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hortimid maamulka looga dhawaaqay Waqooyi Bari ee looga dhawaaqay Laascaanood, iyadoo ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya inay colaad ka hurinayso gobollada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdalle Maxamed Carab, waxa uu sheegay in xuduudka rasmiga ah ee Somaliland uu yahay kuwii la sameeyay xilligii gumaystaha Ingiriiska, isagoo carabka ku dhuftay in shacabka Somaliland ay si buuxda ula soo noqdeen madax-banaanidooda 1991-kii ka dib burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

“Maamulka Muqdisho isku dayaya ah in ay colaad ka dhex abuuraan Somaliland iyagoo sheeganaya gobollo sida Sool, Sanaag iyo Togdheer waxay muujinaysaa in aanay aqoon buuxda u lahayn dhulkeenna,” ayuu yidhi Wasiir Carab.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in lacagaha caalamiga ah ee loogu tallo galay dib u dhiska Soomaaliya iyo la dagaalanka argigixisada in si khaldan loo adeegsado si loo wiiqo qaranimada Somaliland. Waxa uu xusay in inta badan deegaanada maamulka cusub ee Waqooyi Bari ay wali ku jiraan gacanta Somaliland, isagoo meesha ka saaray sheegashadooda oo uu ku tilmaamay mid ku kooban tuulooyin yar yar.

“Somaliland marnaba ka warwareegi mayso inay difaacdo dadkeeda iyo dhulkeeda, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu beri isugu yeedhay shir degdeg ah oo golaha wasiirrada ah, si uu wax uga qabto falalka xasilooni-darrada ah ee Muqdisho ka socda,” ayuu Carabka ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay maamulka cusub ee Waqooyi Bari, kaas oo sheegta inuu ka taliyo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn – inkastoo uu hadda gacanta ku hayo dhul yar.

Kulanka degdega ah ee maalinta bari ah ka dhici doona madaxtooyada Somaliland ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan dhaliilo xoogan oo loo jeedinayo maamulka cusub isla markaana lagu cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee Somaliland ka taagan tahay arintan.

Tallaabo heshiisiin ah, ayaa Somaliland waxay xabad joojin kaga dhawaaqday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, iyadoo la filayo in beelaha deegaanka ay dhawaan isugu yimaadaan waan-waan nabadeed.

Puntland ayaa ku adkaysanaysa in ay isku haystaan sheegashooyin isku mid ah, iyada oo diiday maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood halka ay sheegtay in Sool, Sanaag, iyo Cayn ay weli ka tirsan yihiin maamulkeeda.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa maamulka cusub u arka fursad ay kaga soo bixi karaan waxa ay u arkaan in uu yahay dulmi ay ku hoos jiraan Puntland iyo Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa ka baxay Laascaanood 2023 ka dib dagaal daba dheeraaday.