Koox Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Warshada Birta Ee Degmada Dayniile

Muqdisho (QJ) – Koox hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday rasaas xooggan oo ay la eegteen Warshaddii Birta ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo weli ka soo baxay dowladda iyo laamaha ammaanka.

Warshada Birta oo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee Dayniile ayaa lagu soo waramayaa in dadkii rayidka ahaa laga raray kadib markii dowladda ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa tilmaamay in xalay ay aheyd habeen cabsi badan, isagoo intaa ku daray.

“Rasaas xooggan ayaa billowday abaare 3:00 habeenimo, waxaana dareennay argagax, goobta la weeraray waxaa ku noolaa dad shacab ah oo ka barakacay, saakay xaaladdu way degtay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.